Sarkaal ka tirsanaa Booliska Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay

Kooxo hubeysan ayaa Xaafada Seyybiyaano ee degmada Hodan waxaa ay ku dileen maanta sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, iyada oo dilka kadib ay goobta ka baxsadeen.

Sarkaalka la dilay oo Caan ka ahaa xaafada seybiyaano ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Gaashaanle Mahad Cali Cilmi (Mahad Doollar), waxaana uu ka tirsanaa Booliska Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo goobta ka qaaday meydka, isla markaana geeyay xarunta Hay’adda dambi-baarista ee CID-da.

Qof kamid ah dadka ku nool Xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay sidoo kale sameeyeen howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigan.

Majiro cid weli sheegatay mas’uuliyadda dilka degmada Hodan loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliya, hayeeshee dilalka qorsheysan oo noocaas oo kale ah ayaa waxaa inta badan sheegta Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com