Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo ka badbaaday Qarax miino

Taliye-xigeenkii hore ee Ciiddanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Maxamed Cali Bariise ayaa la sheegay inuu ka badbaaday Qarax Miino oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Xaruntii hore ee Madaxtooyada C/qaasim Salaad Xasan Degmadda Hodan ee Gobolka Banaadir

Warar ayaa sheegaya in gaari uu la socday Janeraal Maxamed Cali Bariise lala doonayay Qaraxaasi, balse, uu qaraxa  dhacay, markii uu gaarigiisa ka gudbay goobta la dhigay miinada oo ahayd nooca dhulka lagu aaso.

Taliye-xigeenka waxa la sheegay inay isaga iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ay la socdeen gaari Bullet-proof ah islamarkaana ah nuuca  aysan xabbadu karin

Miinada ayaa la sheegay inay ku qaraxday Bajaaj ay la socdeen dad rayid ah, iyadoo ay Dareewalkii Bajaajka iyo hooyo iyo ilmaheeda ku geeriyoodeen Qaraxaasi, halka 3 qof oo Wadada marayay ay ku dhaawacmeen.