Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Soomaliland oo lagu dilay Magaalad Hargeysa

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in xalay lagu dilay sarkaal tirsan Ciidanka Milateriga Somaliland.

Kooxo hubaysan ayaa Xalay Magaalada Hargeysa ku toogtay sarkaalka, oo aan magaciisa la sheegin.

Marxuumka waxa lagu toogtay aga’gaarka Xerada Warshadda Kabista Hargeysa, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii weerarka gaystay.

Booliiska Somaliland oo dilka kadib hawlgal ka sameeyay xaafadaha Hargeysa, ayaan ku guulaysan in gacanta lagu dhigo kuwii dilka gaystay.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com