Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho lagu dilay

Sarkaalka oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Dheere ayaa waxaa uu ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday Aaga Xaafada lagu Magacaabo Buulo Axmed Cabdalla oo ka tirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

Is rasaaseynta ayaa dhexmartay Ciidamo gelbinayay Gaari dhinaca degaanka Jasiira ka keenay jaad (Qaad) iyo Ciidamada Booliska oo doonayay in ay gaariga celiyaan si uusan jaadka u soo gelin Magaalada Muqdisho.

Alle u Naxariistee Cabdullaahi Dheere ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada dharkeenleey, wuxuuna ahaa Taliyaha Booliska Waaxda Saddexaad ee degmada Dharkeen, isaga oo u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray is rasaaseynta labada dhinac.

Degaanka Jasiira ayaa Xeebteeda waxaa laga soo dejiyaa Jaadka laga keeno dalka Kenya oo dowladda Soomaaliya mamnuucday, waxaana dhowr jeer Aaga Jasiira ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Ciidamo kale oo doonayay in jaadka soo geliyaan Magaalada Muqdisho.