Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliska oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka ayaa caawa Taalada Daljirka Daahson ku toogtay Sarkaal ka Tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abuukar Cambuurewaxaana xilliga la tooganayay uu ka yimid dhinaca degmada Boondheere gaari uu watay ayaa rasaas ay la dhaceen Ciidanka Dawlada.

Ciidamo ka Tirsan Dawlada Federaalka oo ku sugnaa agagaarka Taalada Daljirka Daahson ayaa toogtay sarkaalkaasi

Illaa hadda lama oga sababta loo dilay sarkaalkasi ooh ore ula soo shaqeeyay maamulka gobolka Banaadir .

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com