Saraakiisha Ciidanka Dawlada ee ku sugan Dhuusamareeb oo soo bandhigay Meydadka 3 Ruux oo Alshabaab Ka Tirsan

Ciidamada Dowladda Federaalka eek u sugan Dhuusamareeb  ayaa soo bandhigay meydadka 3 ruux oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Al-shabaab xalay hoobiyaal ku tuuray magaalada Dhuusamareeb.

Xubno ka Tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta kula hadley duleedka magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay dileen 3-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanada u dhexeeya Ceelbuur iyo Dhuusamareeb, kaas oo ay sheegeen in lagu magacaabi jiray Cabdinaasir.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen hal qof oo dhaawac ah  iyo afar qori oo ay ciidamadu sheegeen in ay ka furteen kooxdii xalay hoobiyaasha ku weeraray magaalada Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com