Saraakiil Maraykan ah oo gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Saraakiil ka socota dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane Taliyaha ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka Maxamed Cismaan Ganeey iyo madax kamid ah maamulka degmada Maxaas soodhaweyn ugu sameeyay saraakiishaasi ciidan.

Madaxda maamulka degmada Maxaas ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalka saraakiisha Mareykanka uu ku qotomo dar-dar gelinta wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah AlShabaab.

Saraakiisha ciidanka Mareykanka ayaa ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa dowladda maamulka degmada Maxaas iyo qeybaha bulshada degmadaasi ku ammaanay sida aay isaga dul qaadeen Al-Shabaab, iyaga oo u sheegay inay garab taagan yihiin.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com