Sanitor Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Aqalka Sare ee BaarlamaankaSoomaaliya , ayaa Khudbad uu ka jeediyey Munaasabad lagu duubayay imaamka Guud ee Abgaal Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa kula dardaarmay arimo Arimo la xiriira Hogaaminta ,Waxaana uu yiri .
“Mudulood Baarlamaam la gama Rabo, Madaxwayne Raba ma Joogo, Raysal wasaare Raba masoo marin, Hadana inay is xoreeyaan Mooyee, Qof wax u Qabanaya oo ma jiro, waxaa la rabaa inay Dhulka ka kacaan “ Ayuu yiri Yalaxow.
Muuse Suudi Wuxuu dardaaran Adag u jeediyey Imaamka Cusubee la duubay Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar , wuxuuna u sheegay inaan laga aqbali doonin inuu baal maro howsha loo doortay, sidoo kalana aan laga yeeli doonin inuu dantiisa gaarka ah ka shaqeeyo.
Dhinaca kale Muuse Suudi ayaa Beeshiisa kula dardaarmay inay Nacaan, dadka Neceb ee maamulada sida uu hadalka u dhigay.
“Maamul Goboleedyadda dalka iyo dadkeeda kuwii idin Neceb, sida ay idiin naceen idinkuna u Naca, Qofkii Quudhsada, waa la Quudhsadaa, Sidoo kale waxaa la idin nacay Ciidanka Booliska, Milatariga, Nabad sugida, Asluubta, Waxaana la idinku nacay Baari nimada, Waxaana hada la marayaa in la idinka reebo Tababarka”. Ayuu yiri Sanitor Muuse Suudi.
Dhinaca kale , Madaxweynihii hore Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa ka qayb galay munaasabada isaga oo hadalo dardaaran ah u jeediyay Imaamka Cusub ee Abgaal Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar uguna baaqay in uu ka sheeqo imaamka midnimada Beesha Abgaal
Ugu Dambeyntii Waxaa halkasi lagu duubay Imaam Daahir Imaam Maxamuud Imaam Cumar Una duceeyay Dadkii ka qayb galay Munaasabada ee Beelaha Abgaal
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com