Sanitor Ilhaan Cumar oo booqatay xarun lagu hayo carruur muhaajiriin ah

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Cngresska Maraykanka ayaa Jimcihii booqatay xarun lagu hayo dadka magangelyo doonka ah oo ku taalla gobolka Texas gaar ahaan xuduudda, waxay ka sheekeysay dhibaatadii ay soo martay markii ay ku jirtay xero qaxooti oo ku taalla Kenya.

“Aniga carruur ayaan ahaa markii aan soo qaxayay, sida carruurta halkan ku sugan, waa arrin khalad ah aanan la aqbali karin” ayay tiri Ilhaan oo la hadleysay boqolaal carruur ah oo muhaajiriin ah oo ku sugnaa xarunta.

Waxay sheegtay in loo baahan yahay in dhammaan ha’yadaha dowladda la howlgeliyo si wax looga qabto hannaanka lagu daryeelayo carruurta muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabeyso xuduudda.

“Waxaan u baahanahay in aan shaqo gelinno ha’yadaha dowladda si ay u fududeeyaan hannaanka lagu daryeelayo carruurta muhaajiriinta ah ee kasoo tallaabeyso xudduudda..waxaa jiraa dadaallo wadajir ah oo wax looga qabanayo dhibaatada muhaajiriinta” ayay tiri Ilhaan Cumar oo wareysi siineysay warbaahinta Msnbc.

Waxay sidoo kale sheegtay inay jiraan dadaallo si wadajir ah wax looga qaban karo dhibaatada muhaajiriinta.

Horraantii bishii hore ayay aheyd markii maamulka madaxweyne Biden uu sheegay inuu billaabi doono in si tartiib tartiib ah ay Mareykanka u soo galaan kumannaan qof oo magangalyo doon ah oo ku xayiran dalka Mexico.

Tallaabadan ayaa lagu doonayaa in lagu laalo siyaasadihii sida weyn loo dhaliili jiray ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com