Saldhigyo Boolis oo lagaa sameynayo degaannadii dhawaan laga saaraay Alshaabaab

Wasiirka Wasaaradda Amniga maamulka  Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe ayaa sheegay in magaalooyinka laga saaray Al-shabaab in lagaa hirgelinayo  Saldhigyo ciidamada Booliiska ay ku howlgalaan si wax looga qabto falalka lidiga ku ah amaanka.

Wasiir Amniga galmdug Gaboobe ayaa hadalkaan warkaan ka sheegay  degmada Xarardheere ee dhawaan laga saaray Al-shabaab, wuxuuna tilmaamay in Saldhigyadaan ay muhiim u yihiin in lala socdo fal dambiyeedyada ka dhaca Magaalooyinka cusub ee soo galay gacanta maamulka Galmudug.

“Saraakiisha iyo ciidamada ku howlan sugidda amniga waxan uga mahadcelinaya shaqada is xilqaanka ah ay qabteen, waxaa lasoo magacaabayaa Taliyaha iyo ku xigeenkiisa Saldhiga Booliiska Xarardheere oo ah qadiimi ah waxaana ku howlanahay sidii dhawaan dib loogu dhisi lahaa loona casriyeyn lahaa si ay Magaalada uga mid noqoto magaalooyinka leh Saldhigyada saldhigyada” ayuu yiri Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Gaboobe.