Salaad Cali Jeele oo Eedeeyn Kulul U Jeediyay Madasha Xisbiyada Qaran

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa si kulul ugu jawaabay hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo dhawaan eedeymo culus u jeediyey Madaxweynaha  dowladda federaalka ah ee Soomaaliya MaxamedCabdulaahi Farmaajo , Wuxuuna  sheegay in Madasha Xisbiyada Qaran ay iska hor keeneyso ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu Salaad Cali Jeelle intaasi ku daray in hoggaanka Madasha ay doonayaan in xilligaan la galo qalalaase siyaasadeed oo hor leh.

Dhinaca kale Siyaasiga Salaad Cali  Jeelle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Madasha ee ahaa inay dhisayaan dowlad gaar ah, haddii aysan dowladdu ka shaqeyn arrimaha doorashada iyo deganaashaha dalka. Dadku kala tegaan oo ay is-fargaran waaayaan inaad dhiiro-geliso runtii waa arrin aad looga xumaado.” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Hadalkaan ka soo baxay Siyaasi Salaad Cali Jeele ayaa ku soo beegmaya ka dib markii Xildhibaan c/qaadir Cosoble Cali oo ka Tirsan Madasha Xisbiyada Qaran uu shaaciyay in Dawlad ay ka dhisayan Soomaaliya haddii uusan si deg deg ah Madaxweyne Farmaajo uusan Wax uga qaban waxyaabaha ay ka Tabanayaan

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com