Safiirkii Soomaaliya ee Dalka Ciraaq oo geeriyooday

Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta  ku geeriyooday Allaha u naxariistee Ambasador . Ciise Cali Maxamed oo ku magac dheeraa Ciise Dheere oo ahaa diblumaasi ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Marxuumka oo maalmihii dambe ku xanuunsanaa magalada Muqdisho  ayaa maanta geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelladiisa.

Geerida Marxuumka waxaa ka tacsiyeeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah  Soomaaliya iyo kuwa horey xilal uga soo qabtay dalka, iyaga oo Alle uga baryey inuu ka waraabiyo Jannatul  Firdowso.

Alle ha u Naxariisto Amb. Ciise Dheere ayaa ahaa diblumaas  ku dhawaad 50 sanno ku dhex jiray  diblamaasiyadda Soomaaliya gaar’ahaan   arrimaha carabta, isaga oo dowladdii dhexe noqday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ciraaq.