Sababta maxaay tahay Madaxweyne Farmaajo oo ugu yeeray xildhibaanada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa uu kulan ugu yeeray Xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Hawiye, kulankaas oo ka dhacaya Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin lagu ogeeysiinayay kulanka u diray Guddi ay leeyihiin Xildhibaannada, kuwaas oo dhankooda iyana farriinta gaarsiiyay Xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Hawiye.

 

 

 

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababaha uu xlligaan Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray Xildhibaannada, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in ay ka dambeysay, kadib kulamo gaar gaar ah oo uu la qaatay musharixiinta xilka Ra’iisul Wasaaraha oo saami ahaan ay leedahay Beesha Hawiye.

 

In ka badan 30 maalmood ayaa dalka uusan laheyn wax ra’iisul Wasaare ah,waxaana la tashiyada iyo kulamada uu madaxwyene farmaajo ugu yeeray Xildhibaannada ay sahleysaa in uu sii dheeraado waqtiga lagu soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha.ugu yeeray Xildhibaannada?