Saamiya Xassan oo loo dhaariyay madaxweynaha Cusub ee DalkaTansaaniya

Saamiya Xasan ayaa maanta loo dhaariyay xilka, iyada oo gacanta ku haysata kitaabka Qur’aanka , waxayna dhaarta ka dhacday qasriga madaxtooyada oo ku yaala magaalada Daara Salaam ee ah caasimadda ganacsiga dalkaas.

Waxaa dhaariyay xaakimka guud ee dalkaas Ibraahim Juma.

Haweenayday qunyar socodka ah ayaa ku xigeen u ahayd Magafuli tan iyo sanadkii 2015-kii, waxaana aad loogu yaqaanaa qof aad u dhawrsoon sida ay xildhibaanada baarlamanka dalka Tanzania ay sheegeen .

Sida uu qabo dastuurka Tanzania, waxa ay dhamaysanaysaa inta ka dhiman muddo xileedkii madaxweynihii hore, taas oo micnaheedu yahay in afar sano ay xilka sii joogayso ka hor inta aanan doorashada xigta la gaarin.

Sanadkii hore ayay dad badan ka yaabisay kadib markii ay isbitaalka ku booqatay hoggaamiyaha mucaaradka Tundu Lisu, kaas oo ka badbaaday isku day dil 2017-kii.

Munaasabada Dhaarinta kadib, Samiya ayaa hadal jeedin ay sameeysay ku sheegtay in culees badan uu garbaheeda saaranyahay, islamarkaasna waxa ay codsatay in meel la iska dhigo kala aragti duwanaanshaha siyaasadda, loona soo jeedsado samotobixinta Tanzania.

Madaxweynihii hore ayay ku tilmaamtay nin waddani ah oo ka baxay qaranka Tanzania.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com