RW Rooble” Waxaan naga go’an qabashada doorasho xor iyo xalaal ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay inay dalka ka dhacdo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.
Rooble oo Shir Jaraa’id qabtay waxaa uu sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad-goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com