RW Rooble oo xalay kulan Casha ah la qaatay madax ka tirsan Maamul goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho sharaf ah la qaatay Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubaland iyo Koofurgalbeed oo Muqdisho soo gaaray iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ka hor furitaanka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Macallimow oo faahfaahin ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo casho Ra’iisul Wasaare Rooble u sameeyay madaxda ku sugan Muqdisho ee ka qey-bgalaysa shirka wadatashiga doorashada Soomaaliya.

Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa sheegay in in madaxda maamulada Puntland iyo Hirshabeelle la filayo in ay Muqdisho soo gaaraan maanta oo Jimco ah Magaalada Muqdisho , marka la isu yimaado ka dibna uu furmi doono shirka oo Khamiistiishalay ahayd  baaqday.

Wuxuu xusay  inta uusan shirku furmin ka hor in Ra’iisul Wasaare Rooble kulamo gooni gooni ah la qaadan doono madaxda ka qeyb-galaysa shirka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Infp@aragticusub.com