RW Rooble oo shaaciyay in aan la Aqbali karin wixii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Hadalka Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku soo aadaya ka dibmarkii ciidamo ka tirsan nabad sugida Soomaaliya iyo waaxda Hay’adda Socdaalka uu gacan ka hadal ku dhex maray gudaha garoonka diyaaradaha ee aadan cadde taasi oo hakad gelisay hawlihii shaqo ee garonka muddo kooban

Xafiisa wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com