RW Rooble oo Muqdisho ka daahfuray Hay’adda Tayo-dhowrka

RW Xukuumadda Xilgaarsiinta dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta daah-furay Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doonta hubinta tayada, ilaalinta badeecadaha iyo cuntooyinka dalka soo gala, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda xilgaarsiinta Dalka  .

“Dalkeennu waxa uu noqday meel lagu soo guro waxyaabha dhacay sida cuntooyinka, daawooyinka iyo iwm , laakiin maanta oo ay taariikhdu tahay 27 March, 2021 waxaan haysannaa halbeegyo lagu hubinayo dhammaan waxyaabahaas aan u baahanahay in tayadooda la koontaroolo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay munaasabadda daahfurka hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay ganacsatada in ay u hoggaansamaan halbeegyada tayo-dhowrka, si loo ilaaliyo tayada badeecooyinka kala duwan ee dalka la soo galinayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in ay feejignaadaan oo ay iska hubiyaan tayada cuntooyinka iyo badeecooyinka kala duwan ee ay iibsanayaan.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com