RW Rooble oo Mucaaradka Ku Eedeeyay in ay ka dambeeyeen dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

RW XFS , Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inuu ka xun yahay rabshadihii xalay ilaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

RW Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay “in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in aysan dowlad jirin”.

Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka xalay uu ku bilowday weerar lala beegsaday ciidamada dowladda.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa tilmaamay inuu “dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii looga baaqsan lahaa dhibkii dhacay, balse laga dhaga adeygay”.

Rooble ayaa tilmaamay in xukuumaddiisu ogoshahay mudaharaad si nabdoon u dhaca oo ay ilaalinayaan ciidamada dowladda, balse dibedbaxa mucaraadka ay doonayeen “inay horkacaan ciidamo ka soo horjeeda ciidamada dowladda”.

Ra’iisal wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in dalka ay ka dhici doonto doorasho “xor iyo xalaa ah”.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com