RW Rooble oo Magacaabay Gudi ka shaqeeya Banaan bax Nabadeed ee Midowga Musharixiinta ay ay ku baaqeen

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Gudi ka shaqeeya diyaarinta Banaanbaxa  midwga musharixiinta ay ka dhigayaan Magaalada Muqdisho kaas oo ay Dawlada uga soo horjeedaan

Magacaabista Gudigaan ayaa ka dhalatay ka dib shir Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Ra’iisal Wasare Rooble iyo Midowga Musharixiinta kaas oo lagu go’aamiyay in Banaan bax nabadeed lagu qabto Magaalada Muqdisho Dawlada Amniga ay Sugto

Gudiga la magacaabay ee diyaarinaya goobta banana baxa ka dhacaya ayaa kala ah magacyadooda:

1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xasan Xundubay Jimcaale

  1. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish)
  2. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala)
  3. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
  4. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle
  5. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow.

Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magacaabay Guddi baaritaan ku samayn doona dhacdooyinkii 19 Febraayo  ka dhacay Muqdisho waxay kala yihiin:

  1. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe.
  2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji
  3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare
  4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise
  5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud
  6. Xuseen Macalin Maxamuud

Go’aankan ayaa soo baxay ka shir Muqdisho ku dhexmaray Ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Murashixiinta mucaaradka shirkas oo ka dhacay Hoteel Decale oo ku yaala garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com