RW Rooble oo kulan Muqdisho kula yeeshay xubno ka Tirsan Beesha Caalamka

RW Xukuumadda Federaalka Soomaaiya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalad Muqdisho kulan kula yeeshay xubno ka Tirsan Beesha caalamka ee daneeya arimaha dalka Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka ay isku dhaafsadeen aragtiyo ku aaddan habka ugu habboon ee looga gudbi karo caqabadaha jira, qabsoomidda doorasho si nabad ah ku dhacda & dhowrista xasilloonida guud ee dalka.

Kulankan uu safiirada Beesha Caalmaka la qaatay Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa ku soo aadaya iyadoo maamulada puntland iyo Jubland ay sharuud ku xireen ka qayb galka shirka ka socdo muqdisjho ee looga hadlayo doorashooyinka Dalka

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com