RW Rooble oo kulan Albaabada u Xiran yahay la yeeshay Midowga Musharixiinta

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay Hotel Jaziira oo Fariisin u ah Golaha Midowga Musharixiinta Halkaas kulamo kula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Xubno ka Tirsan Midowga Musharixiinta

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xubnaha uu la kulmay waxaa ka mid ah Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xasan Cali kheyre iyo Shariif Xasan sheikh Aadan ayaa  aan  ka qayb gelin Heshiskii Habeen Hore Hotel Decale oo ku yaala garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho  ay ku gaareen  Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Musharixiinta.

Kulanka oo ahaa mid Saxaafada Dibad joog ay ka ahayd ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay  fulinta qodabadii heshiiska ay  wada gaareen Dawlada  iyo Musharixiinta.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska RW Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waqti kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka dhageystay aragtiyo ku aaddan xaaladda dalka.”

Balse qoraalka laguma sheegin kulanka mushirixiinta iyo Ra’iisal wasaare Rooble ku dhex maray Hotel Jazeera.