RW Rooble oo ku baaqay shir Deg Deg ah si loo joojiyo colaada ka Taagan Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha  xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya , Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay  in shir deg deg ah la isu’gu yimaado, si xabbad-joojin looga hirgeliyo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warkaan sheegay , kadib markii uu la kulmay xubnaha bulshada rayidka, waxaana uu sheegay inuu ka xunyahay dhibkii ka dhacay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee u dambaysay.

Waxa uu sheegay in uu ku baaqayo shir degdeg ah oo ay kasoo qaybgalaan waxgaradka Muqdisho iyo siyaasiyiinta, kaasi oo uu sheegay in xaaladda lagu dejinayo looga arrinsanayo amniga.

Baaqa  ka soo baxay RW Rooble ayaa ku soo aadaya  iyadoo magaalada ay ka taagan tahay xiisad colaadeed, kadib markii  maalin ka hor ay  ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa ka soo horjed amudda kordhinta dowladda.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com