RW XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Sheikh Nuur Baaruud Gurxan oo ku ku dhintay magaalada Muqdisho
Ra’isulwasaaraha JFS waxauu marxuumkaasi Ilaah uga baryay in uu Jannadii Firdows ka waraabiyo, Eheladiisa, Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda Islaamka ahna samir iyo iiman Allaha ka siiyo.
Sheikh Nuur Baaruud waxa uu ka mid ahaa culimada diinta Islaamka Soomaaliya, wuxuuna kaalin mug leh oo lama illaawaan ah ku lahaa dhismaha nabadda, dib-u heshiisiinta, xoojinta dowladnimada iyo bayaaminta afkaaraha qalloocan ee kooxaha xagjirka ah.
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com