RW Rooble oo ka Tacsiyadeeyay geerida Marxuum Axmed Jaamac Muuse

RW Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Taliyihii hore e Ciidanka Booliska Soomaaliya

Qoraal ka soo baxay Xafiiska RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa loogahadlay geerida Jen Axmed Jaamac Muuse.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha naxariisto Jen.Axmed Jaamac Muuse oo ahaa Taliyihii hore ee Boliiska Soomaaliyeed oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

Ra’iisalwasaare Rooble ayaa sheegay in marxuumka dalkiisa ugu soo adeegay si hagar la’aan ah, Wuxuuna tacsi u diray qoyskiisa, bahda booliska & dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com