RW Rooble oo ka Tacsiyadeeyay geerida Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka tacsiyeey qoyskii iyo Shacbiga Soomaaliyeed geeridii ku timid Alle ha u naxariis Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee maamul Goboleedka Puntland.

“ Waxaan Qoyskiisa, Asxaabtiisii iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire.”

Marxuumka oo ahaa Jeneraal ka tirsanaan jiray Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uu door wanaagsan ka soo qaatay difaaca Qaranka, isagoo sidoo kale ka mid ahaa aasaaseyaashii Puntland.

Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehekiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com