RW Rooble oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya dalka Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi, oo lagu khalkhalgelinayey ammaanka caasimadda Muqdisho , iyadoo aan la dhawrin xurmadda bisha barakaysan ee Ramadan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa   dhinacyadii  ku lugta lahaadagaalka  ugu baaqay in nabadda la dhawro, isla markaana loo turo shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale faray ciidamada laamaha ammaanka inay gutaanka waajibkooda sharciga ah ee ilaalinta nabadda iyo badqabka muwaadiniinta.

RW Rooble ayaa ciidanka ku adkeeyey inay ka hortagaan khatar walba oo lala damacsan yahay amniga.

Dhinaca kale’ Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku celiyey in xukuumaddu ay aaminsan tahay in wadahadal keliya lagu xallin karo arrimaha taagan, isagoo tilmaamay in dadaalada wadahadalada uu isagu horay u bilaabay ay xukuumaddu sii xoojin doonto. isla markaana uu ku raja-weyn yahay in dhammaan tabashooyinka jira guul iyo isfaham laga gaari karo.

Gabagabadii Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu baaqay waxgaradka, culimada, bulshada rayidka, ganacsatada, haweenka iyo dhalinyaradu inay kaalintooda ka qaataan adkaynta nabagelyada iyo xasiloonida dalka, gaar ahaan  Muqdisho.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com