RW Rooble oo Faah Faahin ka bixiyay Kulankii uu la yeeshay Midowga Musharixiinta

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay isku fahmiwaayeen hal qodob oo uusan kaligiis go’aan ka gaari karin, kaas oo ah ka qeybgalka musharaxiinta ee shirka doorashada.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeybgaliyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa”

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen  Rooble ayaa intaas ku daray  “wali albaabadeydu way u furan yihiin wadahadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda”.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com