RW Rooble iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo khadka Zoomka ku Wada hadlay

RW XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Aalada fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada Beesha Caalamka eek u sugan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Waare Rooble ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay sii wadista wadahadalada Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020 iyo qodobbadii Guddigii farsamo ee Baydhabo.

Shirka ayaa sidoo kale la sheegay in lagu bogaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta ee 25-kii Febraayo.

Warar ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Ra’iisal Wasaaraha ku dhawaaqi doono shir ay yeelanayaan madaxda  Dowladda Federaalka ‘Dowlad Goboleedyada, iyo gobolka Banaadir kaas oo looga hadli doono Xalinta khilaafka doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com