RW Rooble iyo Midowga Musharixiinta oo Isku raacay in dib loo dhigo dibad bixii maanta lagu ballansanaa

Ka dib kulan Magaalada Muqdisho ay ku yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ku heshiiyay dhawr qodob oo kala ah :

Dowladda Federaalka ayaa raaligelin ka bixisay rabshadihii dhacay 19 Febraayo, waxaana la isla gartay in guddi madax bannaan loo saaro sidii wax u dhaceen.

Dowladda Federaalka waxay ogolaatay bannaanbax nabdoon oo ay iyadu ammaanka sugto.

Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta ayaa kawada shaqeynaya mudaharaadka nabdoon.

Dowladda Federaalka iyo Midowga Musharaxiinta waxay isla garteen in dib loo dhigo mudaharaadka jimcaha beriya qorsheysan.

Waxaa la isla gartay in arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka wadahadaladooda la sii wado, si loo gaaro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com