RW Rooble iyo Ganacsto kulan ku yeeshay Muqdisho

RW XFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday ganacsatada Soomaaliyeed in aysan shacabka ku qaaliyeeyn maciishadda iyo waxyaabaha daruuriga u ah nolosha  bulshada xilligan  dalku wajahayo laba kacleynta xanuunka COVID-19, dowladduna u sameyneyso canshuur dhaaf badeecooyinka daruuriga ah ka dib kulan uu kula yeeshay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Maaliyadda XFS  mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay  in kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay ganacsatada looga hadlay  in ganacsatadu doorkooda ka qaataan la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre, ayaa sheegay in ganacsatadu ay diyaar u yihiin in ay dowladda kala shaqeeyaan xakameynta xanuunkan, dowladduna uga mahadceliyay u heellanaanta codsiyadii ganacsatada ee la xiriiray in badeecooyinka qaar canshuur dhaaf loo sameeyo.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com