Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Isbitaalka ciidamada Militariga ku booqday askar ka tirsan ciidamadaas oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay degaanka Ceel-saliini ee gobalka Shabeellada Hoose.
Ra’iisul wasaaraha ayaa maamulka Isbitaallada ka waraystay xaaladda caafimaad ee askarta ku soo dhaawacmay dagaalkii Al-shabaab iyo dowladda ku dhexmaray degaanka Ceel-saliini.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan sidii Al-shabaab looga saari lahaa degaannasaasi.
Xafiiska Wararka,Muqdisho.
Info@aragticusub.com