RW Hore : Waa in meel looga soo wada jeesta Xukunka Kaligii talisnimada ah ee Farmaajo

RW hore XFS Xasan Cali Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay meel uga soo wada-jeestaan madaxweyne Farmaajo oo uu sheegay  xukun ku dhisan Keligii-talisnimo uu dalka ku hago.

Qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook, ayuu Ex. Ra’iisul wasaare Khayre ku sheegay in weerarka xalay lagu qaaday Hoteelka ay deggan yihiin Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh uu bilow u yahay Natiijada xukun isku-dhejinta madaxweyne Farmaajo.

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu baaqayaa inay adkeeyaan midnimadooda bulsho, ayna si wadajir ah meel uga soo wada jeestaan xukunka ku dhisan kali-talisnimada ee dhaxalkiisa aan horey usoo aragnay.” Ayuu yiri Ex. RW khayre.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

info@aragticusub.com