RW Hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Rajo ka muujiyay go’aanka maxkamada ICJ ee Dacwadda badda Soomaaliya

Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  ayaa ka hadlay khilaafka Badda Soomaaliya ee Kenya ay Muranka gelisay, ka dib shalay oo ay  Furantay Kiiska dhegaysiga Dacwadda Badda ee Labada dal u dhexeeya.

Xasan Cali Kheyre oo bartiisa Face Buugga Qoraalkaan soo dhigay ayaa yiri’

Waxaan rajeynayaa, aana ku kalsoonahay in dhegaheena ay mustaqbalka dhow maqli doonaan dhawaaq farax leh oo kasoo yeera Xeer-beegtida iyo Garsoorka Maxkamada cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Waxaa muhiim ah in markasta maskaxda lagu hayo in kiiska ku saabsan difaacista xuduud-badeedkeenu uu yahay mid masiiri ah oo dhaxalkiisu uu u gudbi doono caruurta Soomaaliyeed iyo jiilasha mustaqbalka dhalan doona. Sidaas daraadeed waa in difaaca xudduud badeedkeenu uu noqdo mid dhamaanteen na mideeya, si isku mid ahna noo saameeya shacab iyo siyaasiyiinba.

Waxaan bogaadinayaa shaqada adag ee ay hayaan Qareenada iyo mas’uuliyiinta nagu metelaya difaaca kiiska badda. Allaha Guuleeyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, maanta iyo mar walba.

Aan muujino midnimo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com