Musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre ooxalay xaruntiisa ololaha kula kulmay qaar kamid ah taageerayaashiisa ayaa shaaciyey in dib loo dhigay mudaaharaadka lagu ballansanaa maanta inuu Muqdisho ka dhaco, dibna laga soo sheegi doono xilliga uu qabsoomayo iyo goobta uu ka dhacayo, maadaama uu jiro is-afgarad dhex maray midawga Musharrixiinta, xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar kamid ah madaxda maamul gobaleedyada.
“Dalkaan inay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo simanyahay waa xuquuq ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed”, ayuu yiri musharrax madaxwyne Xasan Cali Khayre.
“Magaalo aan lagu banaan bixi karin miyaa doorasho lagu qaban karaa, dowladnimo laga hir geli karaa, xorriyadi ka jirtaa, hadii aan bannaan bax lagu aamini karin doorasho iyo dowladnimo miyaa lagu aamini karaa?”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Xasan Cali Khayre oo sidoo kale sheegay in dowladnimadu u baahantahay dulqaad iyo in la aqbalo waxa isku keyn haya oo ah dastuur, ayaa taageerayashiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ku war-geliyay in kumanaan ruux ay isu soo bixi doonaan si dareenkeenka shacabka loo muujiyo.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com
.