Ruushka oo soo bandhigay rag British ah oo uu ku qabtay Ukraine

Laba dagaal-gale oo Ingiriis ah oo la sheegay in ay ciidamada Ruushku ku qabteen dagaalka Ukraine ayaa kasoo muuqdey muuqaal-baahiyaha qaranka Ruushka iyagga oo codsi u diraya ra’iisal wasaare Boris Johnson in uu taageero u fidiyo.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa muuqaalkooda laba jeer la kala baahiyey iyaga oo dalbanaya in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Dowlada ingiriisa ayaa ka mid ah wadamada gadaal ka riixayay dagaalka Ukraine uu ku qaaday rushka ayaga oo dhow jeer weerar afka ah ku qaaday dowlada Rurshka .

 

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com