Ruushka oo Faragelin ku sameeyay doorashadii looga adkaaday Trump

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa oggolaaday isku day uu dalkiisa ku faragelinayay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore, si uu ugu guulaysto Donald Trump, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanka.

Moscow ayaa faafisay “eedeymo marin habaabin ah” oo ka dhan ah Joe Biden oo doorashada uga guulaystay madaxweynihii xilka hayay, sida lagu sheegay warbixinta Maraykanka.

Sirdoonka ayaa sheegay in aysan jirin dowlad shisheeye oo ay u suuragashay inay wax ka bedasho natiijada kama dambeysta ah ee doorashadaas.

Ruushka ayaa marar badan beeniyay inuu faragelin ku sameeyay doorashada Maraykanka.

Warbixinta oo ka kooban 15 bog, uuna Talaadadii shaaciyay xafiiska Agaasimaha Sirdoonka Qaran, ayaa ka hadashay wax ay ku tilmaantay “hawlgallo faragelin ah” oo ay dabada ka riixayeen Ruushka iyo Iran.

Waxa ay sheegtay in shakhsiyaad xiriir la leh Ruushka ay faafiyeen eedeymo aan caddeyn loo hayn oo ka dhan ah Madaxweyne Biden ka hor doorashadii dhacday horraantii November. Ololahaas dacaayadda ah ayay warbixintu sheegtay in looga dan lahaa in lagu wiiqo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dad xiriir la leh sirdoonka Ruushka ay warbaahinta, mas’uuliyeen sare iyo xulafada Trump u gudbiyeen aragti ka dhan ah Biden.

Madaxweyne Joe Biden ayaa Trump uga guulaystay doorashadaas, waxaana xilka madaxtinnimada loo dhaariyay 20-kii January.

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in inkastoo Ruushka uu isku dayay xoojinta fursadaha uu ku guulaysan karo Trump, ay dhanka kale Iran “fulisay olole qardoosi ah” oo ay ku wiiqeyso taageerada uu helayay madaxweynihii hore.

Trump ayaa qaatay siyaasad uu cadaadis xooggan ku saarayo xukuumadda Tehran, isagoo cunaqabateyn ballaaran ku curyaamiyay dhaqaalaha Iran.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Shiinaha oo marar badan lagu eedeeyay inuu basaasnimo dhanka internet-ka ah la beegsado Maraykanka, uu doorashadii u dambeysay go’aansaday in uusan wax faragelin ah ku sameyn.

Sirdoonka Maraykanka ayaa bishii August ee la soo dhaafay shaaciyay in Shiinaha, Ruushka iyo Iran ay isku dayayaan inay farageliyaan doorashada madaxtinnimo ee dhacaysay November sanadkaas.

Qiimeynta ay hay’adaha sirdoonka xilligaas sameeyeen ayaa muujinaysay in dedaallada Ruushka ay ahaayeen kuwo ka dhan ah Biden, halka Shiinaha iyo Iran ay rabeen in Trump looga guulaysto doorashada.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com