Rooble oo Arrimaha doorashooyinka kala hadlay dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Mudane Mahmet Yilmez.
Rooble ayaa kala hadlay Safiirka xoojinta iskaashiga & xiriirka labada dal iyo Arrimaha Doorashooyinka dalka.
Waxaa uu sidoo kale ka dalbaday in dowladda Turkiga ay kaalin wanaagsan ka qaadato Arrimaha dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladdaha taageerada buuxda siiya Soomaaliya, waxaana ay tababar siisay inta badan qeybaha kala duwan ciidanka dowladda, waxaa sidoo kale ay kabid ku sameysaa Miisaaniyadda dowladda.

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com