Roobab ka da’ay degaano ka Tirsan Gobolka Nugaal

Roobab, ayaa ka da’ay degaannada Gobolka Nugaal, oo abaar iyo kulayl  ka jiray.

Roobabka ayaa ka da’ay Hawdka Gobolka Nugaal, islamarkaana dhinaca koonfurta kaga beegan magaalada Garoowe.

Roobka ayaa sidoo kale ka da’ay degaannada dhinaca bari kaga aadan  Garoowe, waxaana la sheegay in uu daadad xooggan ay ku rogmadeen degaano ka tirsan degmooyinka Dangoroyo iyo Eyl.

Wararka ayaa sheegaya in Roobabka aysan gaarsiisneyn degaanada Magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com