R’iisul Wasaare Rooble & Midowga Musharixiinta oo kulan yeeshay

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xusseen ayaa hoygiisa Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga musharaxiinta.
Kulanka ayaa looga arinsanayay xaaladaha guud ee dalka ka jira iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe ayaa sheegay in uu wado dadaalo xoogan oo looga arinsanaayo masiirka dalka si heshiis looga gaaro qabsoomida doorasho loo dhan yahay.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho ay kulamo wadatashi ah ku yeeshaan Xubno ka socda Xukuumadda, Midowga Musharixiinta & Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hir-Shabeelle

Xafiiska wararka Muqdisho
aragticusub@gmail.com
nfo@aragticsub.com