Ra,isul wasaare ku xigeenka dalka oo Jabuuti uga qeyb galaya shirka Waxbarashada Afrika.

Muqdisho,Ra,isul Wasaare ku xigeenka dowlada Federaalka Soomaaliya Mahdi Mohamed guuleed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan dalka Jabuuti.

Mahdi ayaa uga qeyb galaya Jabuuti shir la xiriira waxbarashada Afrika oo halkaasi ka furmi doona.

Shirkaan ayaa waxaa isugu imaan doona madax farabadan oo ka socda Afrika isla markaana lagu gorfeyn doono arimaha waxbarashada.

Wafdiga Ra,isul wasaare ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Abdullahi Goodax bare.

Mahdi Guuleed ayaa inta uu halkaasi ku sugan ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Madaxda shirkaasi ka qeyb gali doonta.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com