Ra,isul wasaaraha dalka Noway oo ka qeyb galaya shirka looga hadlayo wax ka badalka cimilada ee ka socda dalka scotland.

Oslo:-Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka kala socota 190-wadan kuwaa oo ka hadlaya sidii looga hortagi lahaa kuleyla  cimilada.

Ra,isul wasaaraha wadankan Norway ayaa ka mid ah madaxda shirkaas ka qeyb galaysa.

War kooban ee uu bogiisa facbook soo dhigay ayuu rajo kaga muujiyay in madaxda kulanka ka qeyb galaysa go,aan mideysan ka qaadan doonaan sidii bulshada aduunka u heli lahaayeen cimilo wanaagsan.

wax badan ayaan sameyn karnaa si aan u yareyno qiiqa norway laakiin anaga oo kaashaneyna wadamo kale si loo hormariyo xalalka tamarta,ayuu yiri Ra,isul wasaaraha.

Madaxda ayaa gaba gabada shirkooda soo saari doono warmurtiyeed ay ku dhanyihiin isla markaana go,aano kaga gaari doona xal u helida arimaha cimilada aduunka.

Xafiiska Wararka,Oslo-Norway.

Info@aragticusub.com