Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay ansixinta heshiiskii dhawaan laga gaaray Doorashada dalka 2020/2021 oo Maanta ay meel-mariyeen Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka.
Xasan Cali Kheyr Kheyre oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku boggaadiyay Go’aankii Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka sida wadajir ah aheyd ugu ansixiyeen heshiiska doorashada, isagoo xusay in Tallaabadaas dalka ay u jiheyneyso dariiqii Doorashada
Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah u Ansixiyay Heshiiska Siyaasadeed ee doorashooyinka Dalka
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.co