Ra’iisul Wasaare Rooble oo weli kulamo ka wada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  maanta kulamo gaar-gaar ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dawlad Goboleedyada Jubbalanad, Hirshabeelle iyo siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo  gaar-gaar ah la qaatay Madaxweyneyaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad, Hirshabeelle iyo siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Kulamadaan oo ka qabsoomay hoyga Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa diiradda lagu saaray, sidii looga wada shaqayn lahaa , arrimaha Hortabinta leh  ee ku salaysan  marxalada uu dalku ku jiro sida in Doorashooyinku  ay ku qabsoomaan  si  daah furan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  mas’uuliyiinta  uu la kulmay ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyin ku saabsan fikirkooda ku aaddan sidii looga wada shaqeyn lahaa  Arrimaha Amniga dhaqaalaha , Doorashooyinka oo dhamaan mudnaanta koowaad u leh Ra’iisul wasaaraha.

Dhamaan mas’uuliyiinta ayaa waxa ay ku bogaadiyeen sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu  Sameeyo horumarka dhinac kasta leh oo ku dhisan fikir wadaag,waxaana kulamada ay noqon doonaan kuwa sii socda.