Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Taliyeyaasha Ciidanka qalabka sida iyo laamaha amniga Gobolka banaadir ayaa la wadaagay qorsheyaasha lagu dardar-gelinayo ammaanka, dhammeystirka dib-u-habeynta ciidamada iyo dagaalanka argagixisada.
Kulankaan ayaa looga hadlay sidii loo xaqiijin lahaa Amniga Magaalada Muqdisho iyo gobolada kle ee Dalka Islamarkaana gacanta ay ku yahan Mamul goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u soo bandhigay Taliyeyaasha Ciidamada ee uu la kulmay mudnaanta uu siinayo xasilinta amniga guud ee dalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.
Hase ahaatee , kulankaan ayaanan qabsoomin ee Amniga looga hadlayay Tan iyo Markii uu Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka Kalsoonida ay kla noqdeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Balse Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u muuqda Mid dar dar gelinaya Hawlaha loo Igmaday inkasta oo usan soo magacaabin Goalaha Wasiirada Xukuumadiisa
Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com