Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta Safarkiisii ugu horeeyay ku Tagaya Magaalada Baydhaba.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa safarkiisii ugu horeeyay tan & markii xilka Ra’isal Wasaare loo magacaabay maanta ku tagaya Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ammaanka Magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah DG Koofur Galbeed ayaa la adkeeyay, waxaana waddooyinka la dhigay ciidamo kala duwan si ay qayb uga noqdaan xasilinta inta uu booqashada ku howlan yahay Wasiirka Koowaad ee Soomaaliya.

Waddooyinka waaweyn gaar ahaan inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha ee Shaati gaduud ilaa madaxtooyada waxaa lagu dhajiyay sawirka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qoraalla ka tarjumaya soo dhaweyntiisa Baydhabo.
Qorhaha 1-aad waxa uu la kulmayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo maamulka Koofur Galbeed si uu uga xog dhageysto xaaladda doorashada, diyaargarowga Iyo guuxa siyaasadeed ee socda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com