Ra’iisul Wasaare Rooble oo la Kulmay Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya+Sawiro Daawo:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay qaar kamid ah Safiirrada caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo ka qayb galay kulanka ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu qaabilay safiirada Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, Iswiidhan, Ingiriiska, Shiinaha, Jabuuti, Midwoga Afrika, Midowga Yurub, Qaramada Midoobay iyo safiir ku xigeenada Turkiga Qadar.

Wasiir Cawad ayaa tilmaamay in safiirada caalamka ay Ra’iisul Wasaare Rooble ugu yimaadeen inay ugu hambalyeeyaan xilka uu la wareegay, sidoo kalana ay ballanqaadeen inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya.

Waxaa uu Sidoo kale sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu uga mahadceliyay Safiirada Beesha Caalamka booqada ay ugu yimaadeen iyo taageerada ay mar walba la gatabtaagan yihiin Soomaaliya, isaguna uu ballanqaaday in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto xiriirka iskaashiga ee ay la leedahay Beesha Caalamka.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com