Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay hay’adaha maaliyadda dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogeynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qoraal uu soo saaray uu ku amray in khasnadda dowladda aan wax lacag ah kaga bixin karin.