Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta Booqasho ku tagay Xarunta dhexe ee Wasaardda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimadka Dr. Fawziya Abikar Nur, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafmaadka Dr. Axmed Macalim Xuseen, Agaasimayaasha iyo dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda ayaa si wadajir u ah usoo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mid mid u booqday xafiisyada ay shaqaalaha Waasaaraada ku shaqeeyaan isagoo bogaadiyay Shaqada ay u hayaan umadda Soomaaliyeed iyo Dhabar adeygii ay u muujiyeen la dagaalanka caabuqa Covid19 iyo joogteynta Adeegyada Guud ee Caafimadka bulshada .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii ku dhiiri galiyay shaqaalaha iyo Madaxada wasaaradda inay sii laba jibbaaraan shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@Aragticusub.com