Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Goor Dhow U Dhoofay Switzerland Iyo Ujeedka Safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta safar hal maalin qaadan doona ugu amba baxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, isagoo ka dhoofay Garoonka diyaaradaha M

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Geneva ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee ka jirta dalka Soomaaliya .

Kulankan oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa xaaladda bini’aadannimo ee dalka ka jirta ee ka dhalatay abaaraha ba’an ee dalka ku dhuftay.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha, xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay,  ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ka furmaya Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, isagoo kala hadli doona Arrimo kala duwan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com